Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Deni oo maanta Khudbad u jeedinaya dadweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa jadwalkiisa shaqo ku soo kordhiyay in uu bil kasta Isniinta u horraysa khudbad u jeediyo dadweynaha Puntland.

Jadwalkaas, ayaa bilaaban doona maanta oo ku beegan Isniinta u horraysa bishaan April, waxaana sida qorshaysan madaxweynuhu saacadaha soo socda khudbad u jeedin doona dadweynaha Puntland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu bil kasta Isniinta u horraysa u asteeyay, maalin uu la hadlo dadweynaha, taasina ay bilaaban doonto maanta oo Isniin ah, inkastoo aysan shaacin wuxuu khudbaddiisa maanta kaga hadli doono.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Bilkasta Isniinta u horeysa u asteeyay maalinta uu Dadweynaha la hadlayo” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Puntland.

Khudbadda uu madaxweyne Deni maanta u jeedinayo dadweynaha, ayaa ku soo beegmaysa, xilli uu dib u dhac kooban ku yimid isku-shaandhayn uu madaxweynuhu ku samayn lahaa Golihiisa xukuumadda.

Isku-shaandhaynta ayaa dib ugu dhacday sababo la xiriira isaga iyo madaxweyne ku xigeenka, oo isku khilaafsan habka loo samaynayo isku-shaandhayntaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Deni oo maanta Khudbad u jeedinaya dadweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this