Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo Xaaf ku soo dhaweeyay Godinlabe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa haatan degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ku soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Ex. Madaxweyne Xaaf oo horay u qaaddacay doorashadii lagu doortay Qoor Qoor ayaa mudda kadib lagu qanciyay in uu aqbalo doorashadaas islamarkaana ka qeyb-galo caleema-saarka madaxweynaha cusub.

Dhowaan guddoomiyaha guddiga caleema-saarka madaxweyne Qoor Qoor  ayaa la kulmay mudane Xaaf kaasi oo kala hadlay dhammaynta khilaafaadka jira iyo in uu aqoonsado madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Sidoo kale xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka oo laga soo doorto Galmudug ayaa la kulmay Xaaf si khilaafka meesha looga saaro waxaana ugu dambeyn lagu guulaystay dadaalladaas.

Ex. Madaxweynaha Xaaf ayaa hadda ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu kaga qeyb-geli doono caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Waxaa la filayaa in Xaaf iyo Qoor Qoor ay kulan gaar ah yeeshaan saacadaha soo socda kaasi oo looga arrinsan doono dhammaystirka dib u heshiisiinta bulshada Galmudug

PUNTLAND POST

The post Qoor Qoor oo Xaaf ku soo dhaweeyay Godinlabe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this