Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Xil Looga Magacaabay Xukuumadda Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Degreeto ka soo baxday xafiiska raiisul wasaaraha dalka  ayaa lagu magacaabay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi oo horey haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo.

Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaana loo doortay Amb Cali Sigiid Hiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this