Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo JANAALE lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay gudaha deegaanka Janaale ee gobolkaasi.

Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi, kadibna uu xigay iska hor imaad toos ah.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay is-weydaarsanayeen labada dhinaca.

Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyey dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa lagu tababaray saldhigga Turkiga ee M/Muqdisho.

Lama oga khasaaraha dhanka Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaalada ayaa haatan degan, balse ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay saaka dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen gobolka Sh/Hoose.

Janaale ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab oo muddo sanado ah ka talineysay halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this