Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe diyaarad dagaal ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fulisay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Ceel-Wareegow iyo Kali-Caafimaad oo hoostaga degmada Awdheegle.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas oo aysan jirin illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadeeda.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in meelaha la duqeeyey ay ku sugan yihiin dad rayid ah oo u badan beeraley.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarkaasi dhanka cirka ah uu cabsi xoogan ku beeray dadka deegaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Nuuradiin-1-1.mp3

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this