Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo xil u magacaabay C/qaadir Shariif Sheekhuna

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa DR C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Degreeto ka soo baxday xafiiska raiisul wasaaraha Dalka oo nuqul kamid ah ay heshay Shabele ayaa lagu magacaabay Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go) oo horeyju haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo.

Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaana loo doortay Amb Cali Sigiid Hiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this