Deeq A. Posted April 6, 2020 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa DR C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Degreeto ka soo baxday xafiiska raiisul wasaaraha Dalka oo nuqul kamid ah ay heshay Shabele ayaa lagu magacaabay Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go) oo horeyju haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo. Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaana loo doortay Amb Cali Sigiid Hiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub. View the full article Share this post Link to post Share on other sites