Deeq A. Posted April 6, 2020 Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranaka Dr Saleybaan Maxamed Maxamuud oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka digay in qaab dhaqmeed lagu xaliyo ragggii ka dambeeyey kufsi dabdho da’yar ah loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dr Saleybaan ayaa sheegay falal la xariira kufsiyo dhowaan ka kala dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud ay soo gaareen xafiiska xeer ilaalinta, islamarkaana ay gacanta ku hayaan kiisaskaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marnaba aysan u dul-qaadan doonin tacadiyada loo geysto haweeenka Soomaaliyeed. Ugu dambeeyn xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay si wadajir ah ula shaqeeyaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites