Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha INGIRIISKA Oo La Dhigay Cisbitaalka .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Raysal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa la dhigay cisbitaaka ka dib muddo 10 maalmood ah oo uu la xanuunsanayay cudurka coronavirus.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Downing Street ayaa sheegay in gelinkii danbe ee Axaddii Mr. Johnson la geeyey cisbitaalka si baadhitaano caafimaad oo dheeri ah loo mariyo.

Saraakiisha ayaa ku warramaya in Ra’iisulwasaare Johnson uu wali si buuxda u hoggaaminayo xukuumadda Britain, inkastoo Xoghayaha Arrimaha Debedda Dominic Raab uu shir gudoomin doonno maanta kulanka lagaga hadlo arrimaha Coronavirus.

Saacado ka hor intii aan Ra’iisulwasaare Johnson la dhigin cisbitaalka, boqoradda Britain Queen Elizabeth ayaa jeedisay khudbad naadir ah taasi oo laga daawanayay TV-yada dunida.

Boqoraddu waxa ay khudbaddeeda ku boorisay dhammaan muwaadiniinta in ay ula tacaaleen cudurkan safmareenka ah si midnimada leh.

“Waxaan idinla hadlayaa wakhti aan ogahay in uu yahay mid caqabaduhu ay kordhayaan” ayay tidhi boqoraddu.

Amiir Charles, oo ah wiilka ugu weyn ee carruurta boqoradda ahna dhaxalsugaha boqortooyada ayaa ka soo kabtay xanuunka coronavirus oo hore looga helay.

Marka laga tago khudbadaha ay shacabka Britain kula hadasho munaasabadda sannadlaha ee ciidda Masxiiga, khudbaddii xalay ay jeedisay Boqorad Elizabeth ayaa ah tii shannaad oo ay jeediso muddo 67 sanno ah oo ay tahay boqoradda dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this