Deeq A. Posted April 6, 2020 (SLT-Qaahira)-Raysal wasaarihi hore ee dalka Liibiya Maxamuud Jibriil ayaa u geeriyooday cudurka Coronavirus, Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyey xisbiga siyaasadeed uu marxuumku ka tirsanaa. Mr Jibriil oo ay da’diisu 67 jir ahayd wuxuu cudurka uu ugu soo dhacay dalka Masar bishii March. Xilliga golahaasi ku meel-gaadhka ah uu dalka Libiya ka jiray ayuu Maxamed Jibriil soo noqday Ra’isal wasaare ku meel gaadh ah marki xilka laga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Muammar Qadaafi. Axaddi ayuuna Covid-19 ugu geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar. Dowladda Liibiya ka arrimisa ee caalamka laga aqoonsan yahay oo tacsi u dirtay ehellada marxuumka waxay Maxamuud Jibriil ku tilmaameen inuu ahaa ‘Astaan Qaran’. Muddo 7 bilood ah ayuu Mr jibriil ra’isal wasaare ka soo ahaa dalka Liibiya, isaga oo lagu xusuusto inuu wakhtigaasi howla badan uu ka soo qabtay dib u heshiisiinta iyo sidi dagaallada Liibiya ka qarxay loo soo afjari lahaa. Source Share this post Link to post Share on other sites