Sign in to follow this  
Deeq A.

Boris Johnson oo Isbitaalka la jiifiyay kadib markii soo ritay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha waddanka Ingiriiska Boris Johnson ayaa la soo weriyay in cisbitaal la dhigay ka dib muddo toban cisho ah oo uu la xanuunsanayay cudurka coronavirus.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha UK ee Downing Street ayaa laga soo xigtay  in gelinkii danbe ee shalay Mr. Johnson la geeyey cisbitaalka si baaritaano caafimaad oo dheeri ah loo marsiiyo.

Balse,  Ra’iisulwasaare Johnson ayaa weli si buuxda u hogaaminaya xukuumadda Britain, inkastoo Xoghayaha Arrimaha Debedda Dominic Raab uu shir gudoomin doonno maanta kulanka looga hadlo arrimaha coronavirus.

Axaddii shalay, boqoradda Ingiriiska  Queen Elizabeth ayaa jeedisay khudbad naadir ah oo ay uga hadashay khatarta xanuunka COVID-19.

Boqoraddu waxa ay khudbaddeeda ku boorisay dhammaan muwaadiniinta in ay midnimo iyo wadajir muujiyaan si loola tacaalo cudurkaas saf-mareenka ah.

Amiir Charles, oo ah wiilka ugu weyn ee caruurta boqoradda ahna dhaxalsugaha boqortooyada ayaa ka soo kabtay xanuunka coronavirus oo hore looga helay.

PUNTLAND POST

The post Boris Johnson oo Isbitaalka la jiifiyay kadib markii soo ritay Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this