Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Siciid Deni & Axmed karaash oo Khilaaf weyni ka dhex qarxay+Sababta & Waxa laysku hayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog:Siciid Deni & Axmed karaash oo Khilaaf weyni ka dhex qarxay+Sababta & Waxa laysku hayo

Karaash-Iyo-Deni-660x381-1.jpg?w=1000&ss

Deni iyo Axmed Karaash

Wararka laga helayo madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in uu soo if-baxay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), kaasi oo ku salaysan Isku-shaandhayn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Xukuumadda Puntland.

Ilo’ wareedyo hoose, oo ka gaabsaday magacyadooda, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in khilaafka Deni iyo Karaash uu si gaar ah u khuseeyo magacaabista wasiirada ka imaanaya Beesha Sool clan, kuwaas oo Axmed Karaash doonayo in lagu tixgeliyo talada uu ka bixiyo magacaabistoooda.

Mudane Axmed Karaash, ayaa doonaya in shakhsiyaadka laga soo magacaabayo Dhulbahantel ay ku yimaadaan tala-bixintiisa, islamarkaana Beeshiisa uu doorkan saami u helo wasaarado muhiim ah oo ka miisaan weyn kuwa ay haatan hayaan wasiirada Beeshiisa matala.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in kulan ay yeesheen labada nin lagu kala dhaqaaaqay, kadib markii madaxweyne Deni uu ka caga-jiiday dalab uga yimid madaxweyne ku xigeenka oo ka codsaday in wasaaradda Arrimaha gudaha dib loogu celiyo saamiga Beeshiisa.

Wasaaraddaas, waxaa xilligii Cabdiweli Gaas hayay Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo ka soo jeeda Beesha Sool clan, balse waxa haatan haya Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka soo jeeda Beesha Siciid Deni.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku-maan-dhaafsan shakhsiyaadka la doonayo in laga soo magacaabo gobollada Sool iyo Cayn, waxaana mid kastaa ku adkaysanaya go’aankiisa, taasi oo dib u dhac ku keentay isku-shaandhayn Deni ku samayn lahaa Golaha Xukuumadiisa.

Isku-shaandhaynta oo la filayay in ay soo baxdo saacadaha soo socda, ayaa la sheegaya in ay muddo dib u dhici doonto, inkastoo aan la ogayn goorta ay noqon doonto.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this