Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Deni iyo Karaash iyo kulan lagu kala kacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in uu soo if-baxay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), kaasi oo ku salaysan Isku-shaandhayn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Xukuumadda.

Ilo wareedyo ka gaabsaday in la shaaciyo magacyadooda, ayaa wargeyska Puntland Post oo xogtan helay u sheegay in khilaafka Deni iyo Karaash uu si gaar ah u khuseeyo magacaabista wasiirada ka imaanaya gobolka Sool, kuwaas oo madaxweyne ku xigeenku doonayo in lagu tixgeliyo talada uu ka bixiyo magacaabistoooda.

Mudane Axmed Karaash, ayaa doonaya in shakhsiyaadka laga soo magacaabayo gobolka Sool ay ku yimaadaan tala-bixintiisa, islamarkaana gobolkaas uu doorkan saami u helo wasaarado muhiim ah oo ka miisaan weyn kuwa ay haatan hayaan wasiirada gobolka Sool matala.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa in kulan ay yeesheen labada nin lagu kala dhaqaaaqay, kadib markii madaxweyne Deni uu ka caga-jiiday dalab uga yimid madaxweyne ku xigeenka oo ka codsaday in wasaaradda Arrimaha gudaha dib loogu celiyo saamiga gobolka Sool.

Wasaaraddaas waxaa xilligii Cabdiweli Gaas hayay Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo ka soo jeeda gobolka Sool, balse waxa haatan haya Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka soo jeeda gobolka Mudug.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku-maan-dhaafsan shakhsiyaadka la doonayo in laga soo magacaabo gobollada Sool iyo Cayn, waxaana mid kastaa ku adkaysanaya go’aankiisa, taasi oo dib u dhac ku keentay isku-shaandhayn madaxweynuhu ku samayn lahaa Golaha Xukuumadda.

Isku-shaandhaynta oo la filayay in ay soo baxdo saacadaha soo socda, ayaa la sheegaya in ay mudda kooban dib u dhacday, inkastoo aan la ogayn goorta ay noqon doonto.

Isha: Puntland Post

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this