Sign in to follow this  
Deeq A.

M/weyne Trump oo shaaciyey iny dalkiisu galay Todobaadkii ugu dhimashada iyo faafka badan ee cudurka coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

 

dtrumcirina.jpg

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu dadka dalkiisa uga digay inay isu diyaariyaan sare u kac ku yimaada dhimashada ka dhalanaysa cudurka coronavirus, isagoo sheegay in Mareykanku uu wajahayo labadii todobaad ee ugu adkeyd ee cudurkan safmarka ah.

Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in magaalada New York loo daadgureynayo kun ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ah ee ciidammada milateriga, magaaladaas oo uu fara ba’an ku hayo cudurkaasi.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad ee looga arrimiyo waddankaasi Mareykanka ayuu Mr Trump waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay amartay in la sameeyo 180 milyan oo waxlaha afka lagu xirto ah.

Gobolka New York ayaa waxaa laga diiwaan-geliyay 630 kiis oo dhimasho ah taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 3,565 qof.

Duqa magaalada New York Andrew Cuomo ayaa sheegay in tirada ay sare uu sii kici karto labada toddobaad ee socota.

Mr Cuomo ayaa sheegay in gobolka uu baadigoob ugu jiro qalabka dadka ka caawiyo neefsashada oo dheeraad ah. waxa uu mahad celiyay dalka shiimaha oo ugu deeqay 1,000 oo qalabkaasi ah.

Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu Mr Cuomo uu u xaqiijiyay in New York ay heli doonto kharashaadka ay u baahan tahay.

Mareykanka ayaa waxaa laga xaqiijiyay 300,000 oo kiis oo fayraska Corona ah, halka dhimashaduna ay kor u dhaaftay 8,000 oo qof.

Talyaaniga iyo Spain ayaa ah labada dal oo uu aad u dillooday fayraska Corona kuwaasi oo tirada dunida ugu badan ay ka dhimatay ayaa haatan labaduba waxaa laga soo sheegayaa iney gaareen hormar lagula tacaalayo xanuunkan saf-marka ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this