Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer-Ilaaliyaha qaranka oo war kasoo saaray tacadiyadii ka dhacay labada magaalo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay falalkii kufsiga ahaa ee labada gabdhood ee aadka u da’da yaraa loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose iyo mid kale oo isna gabar aad u yar loogu geystay degmada Balambal ee gobolka Galgaduud.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in kiisaskaas dad badan loo soo qabtay, haatana ay wadaan baaritaan xoog leh oo ku socda dadkaas lagu tuhmayo, inkastoo uusan soo bandhigin tirada dadka loo soo qabtay falalkaas.

“Xaafiiska Xeer ilaalintu waxa uu uga digayaa odayaasha iyo nabadoonada ku howlan in arinkaas ay wadahadal lagu xaliyo oo si hoose loo dhameeyo, marnaba in falalka nuucaas ah wadahadal laga galo uma dul qaada doono, hey’adaha barista iyo booliska waxaan amrayaa in qof kasta oo isku daya in arimahaan wada xaajood laga galo inay horkeenaan maxkamadda si iqaab uu u muto” ayuu yiri Xeer ilaaliye Suleymaan.

Sidoo kale qoysaska ay kasoo jeedaan gabdhahaas dhibanayaasha ah ayuu ka dalbaday in aysan aqbalin fariimaha uga imaanaya odayaasha dhaqanka ee doonaya in si hoose wax loo xaliyo.

“Dembiyada laga galo haweenka iyo biramageydada, ma ahan kuwo laga geli karo waan-waan iyo wadahadal” ayuu yiri mar kale.

Ugu dambeyntii Xeer ilaaliyaha ayaa warbaahinta iyo hey’adaha xuquuqda aadanaha ka dalbaday in baaritaanka arintaan ay u daayaan xafiiska Xeer ilaaliyaha iyo hey’adaha kale ee dembi barista, waxuuna carabka ku adkeeyey in ay cadaaladda hor keeni doonaan dadkii geystay.

Halkan ka Daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this