Deeq A. Posted April 5, 2020 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Dhagax dhigay dhismaha xarunta Taariikhiga ah Ex-Baarlamaan oo ku taalla Degmada Boondheere. Ujeedka Dhagax dhigga ayaa ah mid ay Dowlada hoose ee Xamar ay ugu talagashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntani si Bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan Taariikhda ay goobtani leedahay, maaddaama xarun u ahayd Barlamaankii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee 1960. Xaruntan ayaa sidoo kale ka mid noqon doonta goobaha loogu talagalay in lagu dabaal dago Maalmaha xorriyadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites