Deeq A. Posted April 4, 2020 Ciidamada Booliska Maamulka Hir-Shabeelle ee ku sugan Magaalada jowhar ayaa xalay ilaa saakey waxaa ay gudaha degmadaasi ka wadaan howlgallo baartaano ah,kadib markii xalay halkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa ku dhintey hal ruux,waxaana ku dhaawacmey Shan qof oo uu kamid yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo lagu Magacaabo Sakariye Muumin Hilowle. Ciidamada ayaa waxaa la sheegay inay howlgalkooda ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey qaraxaas,isla markaana miinada ku Aasay goob xilliyada qaar ay isugu imaan jireen dad isugu jira Shacab iyo Madax intaba. Ciidamada ayaa waxaa Goobjoogayaal sheegeen in ay howlgalka ka sameeyeen agagaarka Xaafadaha ku dhow dhow halka qaraxa uu ka dhacay oo ah inta u dhaxeysa garoonka kubadda cagta jowhar ee Shoongale iyo Boosteejada laga raaco gawaarida soo aada magaalada muqdisho,isla markaana lagu qabqabtey dad farabadan. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana dadka howlgalka lagu qabqabtey la geeyey Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar. PUNTLAND POST The post Hawlgallo ka socda magaalada Jowhar appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites