Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare intee le’eg ayaa ka dhashay qaraxii Jowhar?

Recommended Posts

Deeq A.   
20200404_210821.jpg?w=1000&ssl=1Gaari yar oo burbur ka soo gaaray qaraxa Jowhar

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax gabal-gaabkii galabta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Inta la xaqiijiyey hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa sida la sheegay miino lagu aasay goob lagu shaaho oo ku taala bartamaha magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa dhaawac ka soo gaaray dad ku dhow toban qof oo ay kamid yihiin Xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle, Nabadoon iyo saddex gabdhood oo ku ganacsanayey goobta, kuwaas oo dhaawacyadooda lagu daawaynayo Cisbitaalka magaalada Jowhar.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa u dhawaa hoteel uu daganaa Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle, waxayna ahayd astaanka laga raaxo gaadiidka Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa tagay goobta, kuwaas oo aan ka hadlin qaraxa.

PUNTLAND POST

The post Khasaare intee le’eg ayaa ka dhashay qaraxii Jowhar? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this