Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhammaan dadkii lagu karantiilay Puntland oo laga waayay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa Caawa shaacisay Natiijadii ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay shakhsiyaad looga shakiyay xanuunka Coronavirus, kuwaasi oo lagu karantiilay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Qoraal ka soo baxay guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa lagu sheegay in baaritaankii lagu sameeyay shakhsiyaadkii la karantiilay, uu xaqiijiyay in dhammaantood aysan qabin COVID-19, sidaas darteedna aysan gebi ahaanba jirin kiisas la xiriira Coronavirus oo laga helay gudaha Puntland.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay, in ay la socdaan xaaladda bukaan kale oo isna looga shakiyay cudurka, kaas oo dhecaankii laga qaaday loo diray dibadda, si loo soo xaqiijiyo in uu xanuunka qabo, islamarkaana karantiil lagu hayo, inta ay soo baxayso Natiijada baaritaankii lagu sameeyay.

Dhinaca kale, guddiga ayaa dadweynaha Puntland ka codsaday in ay ka qeyb-qaatan Sanduuqa Taakulaynta Ka hortagga xanuunka Coronavirus, si looga gaashaanto faafidda cudurkaas.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhan

Qoraalka.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dhammaan dadkii lagu karantiilay Puntland oo laga waayay Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this