Deeq A. Posted April 4, 2020 Garoowe ( Faallooyinka Puntland Post) — Colaadda ka soo cusboonaatay Jubbaland waxaa ku naf-waayay Soomaali badan. Waa colaad laga hortagi karay. Inkastoo Puntland ay ka fog tahay juqraafi ahaan meesha colaaddu ka socoto haddana eedayn bay dad badani u soo jeediyeen Puntland. Haddii dad reer Jubbaland colaadi dhex martay daminta colaadda waa xil saaran maamulka Jubbaland. Hadallo lagu wadaagay baraha bulshada ayay dadka qaarkiis u qaateen caddayn in Puntland kaalin siyaasadeed ku leedahay colaadda Jubbaland ka socota. Puntland marnaba may ka hadlin kamana hadli karto colaad ka socota maamul federaal kale. Si loo yareeyo saameynta warxume-tashiilka waa in maamulka Puntland uu caddeeyo inuusan sinna kaalin ugu lahayn colaadda ka aloosantay Jubbaland oo keentay in sawirrada dad Soomaaliyeed oo la laayay lagu wadaago baraha bulshada. Dadka Jubbaland deggan iyagaa isku dan ah oo isku maamul ah. Waxaa wax laga waantoobo ah shirarka faraya maamulka Deni uu madaxda sare ee Jubbaland kala xiriiro colaadda Jubbaland oo u dhexeysa laba beelood. Waxa u nugleynaya Puntland eedaynta aan salka lahayni waa aamusnaanteeda. Waa in maamulka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu cod dheer ku sheego in maamulkiisu uusan farogelinin arrimmaha Jubbaland iyo inuusan soo kala soke-marsanin dadka Soomaaliyeed oo colaadda laga hortagi karay laga dhex aloosay.© Puntland Post, 2020 The post Puntland iyo colaadda Jubbaland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites