Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, shan kelana way ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay goob lagu shaaho oo ku yaala magaalada Jowhar.

Qaraxa oo ka dhashay Miino ayaa waxaa sheegtay dagaalameyaasha Al-Shabaab, sidda ay baahiyeen baraha internet-ka ee taageera.

Agaasime ku xigeenka madaxtooyada HirShabelle iyo Xildhibaan ayaa la sheegay in ay kamid yihiin dadka ku dhaawacmay falkaas.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaas oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Hay’addaha Ammaanka dowlad goboleedka.

Falkaas ayaa kusoo aadaya xili dadka ay feejignaan uga jiraan ka hortagga faafitaanka Coronavirus, kaasoo Soomaaliya laga helay todoba kiis oo la hubiyey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this