Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo Si Kulul U Weerartay Madaxweyne Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Haweeneyda u tartamaysa kursiga Kongareeska Maraykanka Ilhaan Omar ayaa ku eedeysay Madaxweyne Trump inuu si xun u maareeyay jawaabta Mareykanka ee coronavirus.

“Waxaan u maleynayaa maalinba maalinta ka dambeysa inay sii caddaaneyso sida xun ee maamulkan gabi ahaantiiba ugu fashilmay tallada shacabka Mareykanka,” ayay tidhi Ilhaan Omar.

“Waxa aynu haysannaa dalka ugu qanisan adduunka waxa aynu leenahay faa’iidooyin badan, laakiin kumanaan, boqolaal kun oo dad ah ayaa u dhiman kara maamul xumadiisa iyo awood darradiisa,” ayay ku dartay Ilhaan Omar.

Mareykanka waxa uu xidhey 277,999 kiis oo cudurka Covid 19 ah oo la xaqiijiyay iyo ugu yaraan 7,164 dhimasho ah.

Waxay intaas ku dartay in Trump aanu si buuxda u fahmin doorka lama huraanka ah ee la filayo inuu ka ciyaaro jawaabta Mareykanka iyo meelaha xudunta u ah cudurka inay aad u doonayaan sahay caafimaad.

“Wali wuxuu sii wadaa in aanu aqoonsan doorka ay mudan tahay inuu ciyaaro marka ay timaado hogaaminta ummad soo food saartay musiibo,” ayay tidhi Ilhan Omar.

Wakiilka dimoqraadiga ah ee gobolka Minnesota, ayaa hadalkan ku sheegtay xilli ay wareysi siinaysay barnaamijka ‘The Dean Obeidallah Show.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this