Deeq A. Posted April 4, 2020 Hirshabeelle. Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow uu halkaas ka dhacay qarax kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo daawac. Dad deegaanka ah ayaa Goobjoog News u sheegay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka la geliyo, oo la dhigay boosteejada baabuurta Muqdisho iyo Jowhar. Wararka ayaa intaa ku darayo in goobta ay sidoo kale ku caweyn jireen qaar ka tirsan hey’adaha amniga, mas’uuliyiin iyo shaqaalaha maamulka Hirshabeelle. Inta la xaqiijiyey, waxaa uu khasaare soo gaarey das meesha marayey, waxaana geeriyooday hal qof oo ahaa nin da’ ah halka sedex kale uu soo garay dhaacwa. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites