Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:Soomaaligii ugu da`da yaraa ee u dhinta cudurka coronavirus oo la aasay isagoo aan qoys iyo qaraabo midna la jirin

Recommended Posts

Deeq A.   

UKcorona.jpg

Waxaa shalay xaafadda Brixton ee koonfurta magaalada London lagu aasay Ismail Mohamed Abdulwahab oo 13-jir ahaa kaas oo u geeriyooday cudurka coronavirus ee faraha ba`an ku haya caalmka.

Wiilkan yar oo asal ahaan soomaali ah ayaa lagu sheegay ruuxa ugu da`da yar ee cudurka coronavirus ugu geeriyooda dalka Britain.

Dhacdada xanuunka badan ee warbaahinta ku baahday ayaa ah sawirrada duugta wiilkan oo ay aasayaan dhowr ruux oo xabaasha lagu aasay ka shaqeysa, waxaana loo diiday duugtiisa in ay ka qeyb-galaan qoyskiisa.

Hooyadiis iyo dhowr labo carruur ah oo la dhashay ayaa lasheegay in ay ku karantiileysan yihiib goob la geeyay kadib markii labada carruur ee la dhashay laga helay isla cudurka uu u dhintay walaalkood ee coronavirus.

Wiilkan ayaa lagu aasay qabuuraha Eternal Gardens ee Chislehurst, waxaana dadkii aasayay ay wateen qalabka la isaga difaaco bakteeriyada cudurada.

UKcorona1.jpg

Marxuum Ismaaciil ayaa cudurka coronavirus lagu arkay 23. maarso, waxaana la dhigay cusbitaalka King’s College Hospital ee magaalada London.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in uu u geeriyooday sababo la xiriir sambabada oo iyo wadnaha oo istaagay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this