Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ‘mushaharka ka joojisay’ xaasaska askartii dalka u geeriyootay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iridda hore ee Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay sameeyeen qaar ka mid ah xaasaska askartii u geeriyootay difaaca dalka sanadihii lasoo dhaafay.

Haweenkaan oo xirtay qeybo ka mid ah jidadka madaxtooyada soo gala ayaa sheegay inaysan wax mushaar ah qaadan muddo sanad iyo 3 bilood ee lasoo dhaafay.

Xaasaska Arkartii u geeriyootay difaaca dalka ayaa sheegay in laga soo xirtay dhammaan xafiisyada Dowladda sidaas darteedna ay banaanbaxaan u sameeyeen, iyagoo codsaday in mushaarkooda la siiyo.

Xaasaskaas ayaa cod dheer ku sheegay inaysan heysan lacag ay raashin ugu iibiyaan ilmihii ay ka geeriyoodeen askartii u dhintay difaac dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii xaasaska ayaa madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ka codsaday inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan cabashadooda isla markaasna la siiyo mushaarka ka maqan.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso Xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhawr jeer sheegay inay si gaar ah uga war qabi doonaan qoysaska ay askarta ka geeriyoodeen.

Sidoo kale waxay arrintaan niyad jab weyn ku tahay ciidamada hadda ka tirsan askarta Dowladda oo cabsi ka qabo in haddii ay geeriyoodaan ay ku dhacdo qoysaskooda midaan oo kale.

IMG_9215-1536x1024-1.jpg IMG_9214-1-1024x683-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this