Deeq A. Posted April 4, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayo duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi, kadib markii ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed. Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay inay haatan socdaan dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadaasi. Maleeshiyaadka diriray ayaa lagu soo warrmayaa inay weli is-hor fadhiyaan, balse waxaa haatan socda dadaallo lagu kala qaadayo dhinacyadaasi. Dagaalkii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya illaa 10 qof oo u badan dhinacyada ku dagaalamay halkaasi View the full article Share this post Link to post Share on other sites