Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen deegaanka Buush-Madiino oo ku yaal Soomaaliya.

AFRICOM ayaa xustay in duqeyntaasi ay fuliyeen, iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, islamarkaana ay ku beegsadeen Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa tilmaamay in duqeyntaasi ay ku dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Mareykanka ayaa shaaciyey in duqeyntaasi aysan khasaaro ka soo gaarin dadka dagan halka uu weerarku ka dhacay.

Si kastaba ha’ahaatee duqeyntaan Mareykanka uu fuliyey ayaa ku soo beegmeysa, xilli maalmo ka hor hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ay ku eedeysay inuu dad shacab ah ku dilo duqeymaha diyaaradihiisa ay ka fuliyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax isla xisaabtan oo uu la kulmo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this