Deeq A. Posted April 3, 2020 Jigjiga (SMN) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Muxumed Cagjar, ayaa lagu waramay in uu xil ka qaadis iyo xarig isugu daray laba kamid ah mas’uuliyiinta sar-sare ee ismaamulkaas hoostaga Itoobiya. Mas’uuliyiinta uu ceyriyey Cagjar ayaa waxaa lagu kala sheegay in ay kala yihiin; madaxii amniga ee gobolka Cabdicaadil Xasan Cabdi iyo madaxii sirdoonka oo magaciisa lagu tilmaamay Ilyaas Cali Bulxan. Wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdullahi Maxamed oo loo garan-og-yahay Cabdullaahi Dheere loo magacaabay madaxii amniga, halka madaxii mukhaabaraadka loo magacaabay Cabdi Siigaale. Labadooda waxay ku xigeeno u ahaayeen Cabdicaadil iyo Bulxan, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay. Xirsi Dool ayaa la sheegay in loo xushay xilka ku xigeenka madaxa hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Kalinka Shanaad. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa isbedelka lagu sameeyay hogaanka laamaha kala duwan ee hay’addaha ammaanka gobolkaas. Dalka Itoobiya gobolladiisu ayaa waxay leeyihiin hoggaan amni oo ka mid ah jagooyinka ugu awoodda badan marka laga reebo madaxweynaha maamulka, kaas oo ah mas’uulka ugu sareeya dowlad goboleedka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites