Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Isimada SSC oo dalab culus hor-dhigay madaxweyne Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
sawir-hore.jpeg?w=1000&ssl=1Sawirkan waa mid hore 2016-kii Laascaanood

Isimada dhaqanka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka heer Federaal iyo heer Puntland ee laga soo doorto gobolladaas iyo sidoo kale siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato iyo qurba-joog, ayaa xalay madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Ilo’ wareedyo sugan oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in isimada iyo xubnaha kale ee weheliya, in ay madaxweyne Deni hor-dhigeen dalab la xiriira in si dhakhso ah loogu hawl-galo soo celinta degaannada maqan ee Sool, Sanaag iyo Cayn.

Sidoo kale, waxay madaxweynaha ka codsadeen in uu mudnaan gaar ah siiyo Tababarka iyo Qaramaynta ciidamo beeleedyada ka dhisan gobollada Sool iyo Cayn, islamarkaana ka qeyb-geliyo tababarka u socda ciidamada Puntland, si loo soo celiyo degaannada ku maqan gacanta Somaliland.

Madaxweyne Deni, oo isna hadal kooban siiyay isimada iyo xubnaha weheliyay, ayaa u ballan-qaaday in uu fulin doono dalabkooda, balse wuxuu ka codsaday in ay samaystaan guddi gaar ah oo u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda Puntland, kaasi oo qaabilsan isku-xirka dadaallada ku wajahan hirgelinta qodobadaas.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in isla kulanka lagu magacaabay guddi ka kooban xildhibaannada laga soo doorto SSC, siyaasiyiin, qurba-joog, ganacsato iyo saraakiil ciidan oo dhammaantood ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo qaabilsan isku-xirka dadaallada ku wajahan soo celinta degaannada maqan.

Waxaase xusid mudan, in xubno ka qeyb-galay kulanka oo warbaahinta Puntland Post la hadlay, ay gebi ahaanba beeniyeen in soo celinta degaannada maqan ay kala hadleen madaxweynaha, islamarkaana ay sheegeen in ay madaxweynaha kala hadleen Coronavirus.

PUNTLAND POST

The post XOG: Isimada SSC oo dalab culus hor-dhigay madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this