Sign in to follow this  
Deeq A.

Hayada Sirdoonka Somalia (NISA) oo Baadigoobaysa Weriye u shaqeeya Idaacada VOA+Waxay ku haysato & Talaabo ay ugu hanjabtay inay ka qaadi doonto

Recommended Posts

Deeq A.   

NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka.

— NISA (@HSNQ_NISA) April 2, 2020

Haaruun Macruuf ayaa waxa uu caan ku yahay in inta badan uu ka warramo arrimaha amniga, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab iyo weerada ay fuliso, isaga oo qoray buug si gaar ah uga hadlaya Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale leeyahay barnaamij sameeya baadhitaanada oo lagu magacaabo “Galka Baadhista”, kaasi oo marar badan baahiyey, banaankana soo dhigay xogo ka qarsoon shacabka, oo qaarkood ku saabsan musuq-maasuq ka dhex jira hay’adaha dowladda Somalia iyo gaabsi dhanka ah amniga ah oo ka muuqda hay’adaha amniga dowladda Somalia.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this