Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii baarlamanka Koonfur Galbeed oo xabsi guri ku ah Baydhaba (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye, uu xabsi guri ku yahay magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay.

Guddoomiyahaan oo si qasab ah looga reebay ka mid noqoshada baarlamaanka labaad ayaa kal hore waxaa diyaarad lagu geeyay Baydhaba, waxaana amar lagu siiyay in uusan warbaahinta la hadli karin islamarkaana uusan gudbin karin cabasho.

Sidoo kale warbaahinta Baydhaba ayaa hore loogu amray in aysan war ka qaadi karin Cabduqaadir Shariif Sheekhuna waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in uusan ka bixi karin guri ku dhax yaala madaxtooyada Baydhaba.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha loo sheegay in la fasixi doono markii uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha la dooran doono ee baarlamaanka, kaas oo Arbacadii loo doortay Ambassador Cali Saciid Fiqi.

Sababta xabsi guri looga dhigay ayaa lagu sheegay in uu dood ka qabo qaabka looga reebay ka mid noqoshada baarlamaanka labaad iyo in loo geestay handadaad lagana cabsi qabo in uu warbaahinta la hadlo.

Cabduqaadir Shariif Sheekhuna oo ah guddoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ahaa shaqsigii ugu saameynta badnaa ee dowladda Soomaaliya ka taageeray in meesha laga saaro Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo in la soo qabto Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur balse waxay u muuqataa in dowladdu ku abaal dhacday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this