Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayuu noqon doonaa dagaalka u dhexeeya Somalia iyo xanuunka COVID-19?

Recommended Posts

Deeq A.   

Si guud waxaan u taabanayaa dhinacyada uu baahan u diyaar-garoow sarreeya. Meelaha u baahan in laga muujiyo taxaddar weyn iyo kiisaska u baahan in indhaha lugu hayo.

  • Dhinaca wacyigelinta iyo la tacaalidda
  • Saamaynta dhinacyada dhaqaalaha
  • Saamaynta dhinacyada Amniga

Meelaha u baahan in laga muujiyo taxaddar weeyn iyo kiisaska u baahan in indhaha lugu hayo 

Xanuunka dunida hadheeyay ee  magaciisa loo soo gaabiyay Covid-19 ee ka soo bilowday waddanka China, saamaynna ku yeeshay dhammaan caalamka, joojiyay isu-socodkii adduunka, hoos u dhigay dhaqaalihii caalamka, Gallaaftay dad gaadhaya 30.000 oo qof oo ku nool caalamka kuwaas oo ku noolaa waddamadii dhisnaa dhaqaale ahaan iyo caafmaad-ahaan-ba wax ay u eegtahay in uusan soomaaliya kala kulmayn iska caabbin awooddeeda wadata ( Rabbi ha ina ka hayee) haddii aan la samayn tallaaboyinka uu addunku kula tacaalayo.

Waxaa jiraa goobo xanuunkan laga helay, kaas oo ahaa hal kiis oo ku sugan xaafadda ay deganyihiin beesha caalamku ee ku taal muqdisho ee xalane, kiiskan oo ahaa qof ku sugnaa xaafadda xalane, waxaa macquul ah in qofkaasi uu xidhiidh la sameeyay tiro dad ah kuwaas oo halkaas ku sugnaa amase booqday, waxaa macquul ah in ay jiraan kiisas intaas ka badan oo goobtaas ku sugan balse uusan xanuunku weli ka muuqan, si looga taxadaro faafinta xanuunkas ee waddanka gudihiisa waxaan ku talinlahaa in ay dawladdu Karatiimayso xaafaddaas iyada oo loo marayo xeerka Dibloomaasiyadda caalamka maadaama ay goobtani tahay meel ay ku suganyihiin dibloomasiyiin shisheeye.

Si looga taxadaro halista halkaas ka imankarta waxay ku qurux badantahay in xalane la geliyo xalaad aan laga baxayn lana soo gelayn, sida oo kale dhammaan dadkii booqday maalmihii uugu dambeeyay halkaas waa in iyana loo diraa fariin ah in ay si is-kood isu karatiimaan.

Kiisaska u baahan iyana in indhaha lugu hayo waxaa ka mid ah dadkii maalmihii uugu dambeeyay ka soo degay magaalada Hargaysa kuwaas oo intooda badan ay magaalada galeen, waloow ay jiraan dad tiro kooban ah oo ay xukuumadda Somaliland ku xeraysay goob gaar ah.

Lama dhayalsankaro dhammaan dadkii ku soo qul-qulayay muddoyinkii la soo dhafay hargaysa, dadkaasi waxay ka yimaaddeen waddamo intooda badan uu xanuunkani saamayn xoog leh ku yeeshay.

Waxa aan aaminsanahay in dadkii ku soo labatay hargaysa qaar ka mid ah ay suurto-gal tahay in xanuunkas uu ku soo baxo (Rabbi ha ka badbaadiya Naftooda iyo tan dad-kaba) , waxaana aan ku kalsoonahay dhammaan taxaddarkii ay sameeyeen laamaha caafimadka Somaliland, balse xanuunkani waa mid muddo ka dib qofka ku soo baxa.

Dhinaca wacyigelinta iyo la tacaalidda 

Dhammaan maammullada ka jira gudaha Soomaaliya waxa ay si wada jir ah u fasaxeen geebohiihii waxbarashada iyo shaqalihii xafiisyada dawladda, iyada oo ay barbar socoto fariimaha ah in la yareeyo isu imaatinka dadka iyo weliba ku kulmidda goobaha waaweeyn.

Tallabooyinkan waxaad mooddaa in dadkii ay haleen jaanis ka wanaagsan kii hore oo hadda ay noqdeen kuwo isu hela wakhti ay ku qaataan goobaha dadku ay isugu yimaaddan, waxaa weli socdaa xafladihii Aroosyada iyo weliba kuwii gaar ahaa, waxaa camiran dhammaan huteelladii iyo goobihii nasashada, waxaa si wada jir ah loogu damaashadaayaa Goobihii lugu dabaalanjiray ee xeebaha.

Fariimihii dawladda iyo maammul Gobolleedyadu waa soconayan, balse ma jirto cid dheg-jalaq u siisay.

Haddii ay xaaladdu sidaas ku sii socoto waxaa sahlanaanaysa faafitaanka xanuunkan dunida ka dhigay habeen dumay oo aysan cidi dab kala qaadan.

Waxaan ku talinayaa in la sameeyo qorshe lugu yaraynayo isu imaatinka Bulshada.

Saamaynta dhinacyada dhaqaalaha 

Ma aha wax la iska Indha-tirayo in xanuunkani uu saamayn ku yeelankaro dhammaan dhinacyada dhaqaalaha, waxaa uu dunidii dhaqaalaha ku tarmaysay ka dhigay mid ku tartanta sidii ay dayn u qaadanlahayd, waxaa hoos u dhacay dhammaan dhaqalihii caalamka, waxaa Albaabada la isugu dhuftay dhammaan intii badan bangiyada caalamka, waxaa lagama-degaan noqday garoomadii waaweynaa ee dunida, waxaa xidhmay Dekadihii waddamada dhaqaalaha leh, waxaa joogsaday soosaarkii wershadaha caalamka.

Dhammaan Intan oo dhan dunida ayay ka jirtaa maanta.

Soomaaliya oo aynu oganahay heerka dhaqaalaha iyo weliba halkii uu ka soo gelijiray manta waa xidhmeen, waxaa la xidhay garoomadii diyaaradaha iyo dekadihii. Waana meelihii uugu muhiimsanaa ee gudaha soomaaliya dhaqaale ka soo xeroonayay, waxana ay tan la qabtaa dunida inteeda badan.

Tani waxay u baahan tahay in ay dawladdu ku daadaasho sidii dhaqaalahaas loo kabilahaa, lana sameeyo waddooyin lugu kabo dhaqlaahii soo xeroon-jiray ee joogsaday.

Dhinaca kale Bulshada soomaaliyeed waxaa saamayn ku yeelandoonta haddii lugu soo rogo in ay ku eekaadan guryahooda uun, inkasta oo ay lagama maarmaan tahay markasta tani isla markaasna ay tahay halka waddo ee xanuunkan lagaga gaashaaman-karo.

Dadka soomaaliyeed Intooda badan waa dad ku nool waxa ay maalintaas la soo baxaan, waa bulsho aan lahayn kayd-qofeed, xitaa waxa suurto-gal ah in ay adkaato in dadku ay ku sugnaadan guryaha haddii uu amarkaasi soo baxo waayo ma jiro kayd u yaal dadkas kaas oo ah waxay quudanlaheen maalinkooda “Xaaladdu waxay noqon-doontaa labo-daran mid dooro.”

Qorshahani ha adoo mid ay dawladdu indhaha ku hayso.

Saamaynta dhinacyada Amniga 

Waxaa jira halis badan oo ay macquul tahay in ay dhacdo xilliyada ay xaaladahani jiraan, waa wakhti ah mid jaah-wareerkiisa wata.

Waxyaabaha laga yabo in ay sababaan amni-xumada waxaa ka mid ah.

In Alshabaab ay abuurto khalkhal amni, kaas oo ay kaga faa’iidaysanayaan mashquulka ku yimaadda dawladda soomaaliya iyo weliba dhammaan waddamadii dagaalka kula jiray oo iyana ah kuwo wakhtigan la tacaalaya sidii ay dadkooda uuga badbaadin-lahayeen xanuunka ku habsaday.

Waxaa mashquul ah dhammaan wadamadii gaaf -wareegga iyo ilaalada ka hayay dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.

USA, Uk, Franca, Russia iyo Dhammaan waaddamadii kale waxa ay ku jiraan iyaga iyo ciidankoodiiba sidii ay uula dagaalamilahayeen xanuunkan, dhaqaalihii iyo maskaxdiiba waxa ay u wareejiyeen waddamadooda, dhammaantood waxa ay hadda galeen xaalad ay iyagu caalamka ka codsadaan gargaar caafimaad.

  1. Dhinaca kale waxaa suurto gal ah awoodda xukuumaddu haddii ay u jeesato hal dhinac in ay kooxdani ka fa’iidaystaan.
  2. Dhammaan marooyinka Afka lugu duubto si looga feejignaado faafidda xanuunka Covid-19 waxa ay u noqonkaraan kooxdaas kuwo ay gabbaad ka dhigtaan.
  3. Haddii uu xanuunku gaadho goobaha ay kooxdaasi gacanta ku hayso waxaa adkaanaysa sidii dadkaas loola tacaalilaahaa.

Intan oo qodob waxaa muhiim ah in dawladdu u yeelato indho gaar ah, una samayso qorshe cad. Waa haddii uusan diyaarsanayn…….Rabbi ha ina ka beeri-yeelo dhibaatada xanuunkan.

W/Q: Cumar Rodol
Cumarrodol@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this