Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka sheekeeyey waxa uu ku xusuusto Nuur Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf  Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa ka hadlay geeridii naxdinta lahayd ee shalay ku timid ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo shalay ugu geeroyooday dalka UK xanuunka COVID-19.

Mustaf Dhuxulow oo ka mid ahaa wasiiradii la soo shaqeeyay xukuumaddii Nuur Cadde ayaa ka sheekeeyay wanaaga uu lahaa Nuur Cadde, isaga oo ku tilmaamay astaan u taagneyd qaranka Soomaaliya.

“Allah ha u naxariisto marxuumka, waxa uu ahaa nin aad u wanaagsan, ay ka go’an tahay in umadda Soomaaliyed ay heshiiso, a iskuna keeno, wadajir iyo walaaltinimo ku wada noolaato, dalkana uu dhismo,” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo sheegay in Nuur Cadde uu ahaa siyaasi muhiim u ahaa umadda Soomaaliyeed.

“Nuur Cadde waa la soo shaqeeyay, waxaana ahaa wasiirkiisa beeraha. Waxaan xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii uu hogaamin jiray, markii uu siyaasada ku soo biiray waxaa ka go’neyd in dalkan uu yeesho dowlad, ciidamadii Itoobiya ee joogay dalka hormuud ayuu ka ahaa in ay ka baxaan Muqdisho iyo dalka, in ay heshiiyaan garabkii Asmara iyo dowladii KMG aheyd ee Cabdullaahi Yuusuf qeyb wayn ayuu ku lahaa, ”ayuu Mustaf Dhuxulow.

“Heshiiskii maxkamadaha in uu dhaqan galo, dowlad cusub la dhiso, in gobolka Banaadir uu u dhiso mamul ay soo doortaan dadaka Muqdisho ee golaha deegaanka, oo markaas dhibaato gaar ah ay haysatay in uu dhibaatadii ka dul qaado, iyo arrimo kale oo muhiim ah ayuu ka shaqeeyey.”

“Maamulkaas markii uu dhisay hadduu shaqayn lahaa, waxaan oran lahaa maanta ma jiri lahayn arrinta Muqdisho iyo maqaamkeeda, oo maanta hadallo kulul la isku waydaarsado saxaafadda.”

Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in shirkii Jabuuti  uu Nuur Cadde uga tanaasulay xilkiisa, waxa uuna sheegay in marxuumka ay deeqday dowladnimada, asaga oo tusaale u soo noqday asaga oo ra’iisal wasaare soo noqday in uu haddana noqday safiir, taasi oo uu ku macneeyay in marxuumka uu ahaa waddani.

Mustaf Dhuxulow ayaa uga dambeyn uga tacsiyeeyay umada Soomaaliyeed geeridii ku timid Nuur Cadde.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan
cabdixakiin441@hotmail.com
Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this