Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Ruqsadii Kala Noqotay Diyaaraddaha Fly Dubai Al Arabiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa shirkaddaha Fly Dubia iyo Air Arabia ku amartay in aanay ka soo degikarin garoomada Somaliland.

Warqad qoraal ah oo loo diray shirkadahan ayaa loogu sheegay in laga joojiyay Isticmaalka Garoomada Somaliland.

Sababta looga joojiyay Xukuumaddu ma caddayn laakiin warar qaar ayaa sheegaya in xukuumaddu ku tuhuntay shirkadahan in ay u hoggaansameen amarkii dawladda Soomaaliya.

Waddanka Imaraadka Carabta oo labadan shirkadoodba laga leeyahay ayaa iyagu joojiyay dhammaan Diyaaradaha Rakaabka.

Waxa xusid mudan in shirkadda Ethiopia Airline weli aanay joojin rakaabka ay keento kana qaado Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this