Deeq A. Posted April 2, 2020 Kismaayo (SMN) – Dagaal u dhaxeeya maleeyshiyo beeleed ayaa lagu waramay in uu saaka dib uga qarxay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo. Degaanada ay dib uga bilowdeen dagaalada ayaa lagu kala sheegay Jiiroole, Fuuma iyo Kooyaamo, kuwaas oo qiyaastii 30 KM u jira Kismaayo. Qof kamid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada Jubaland ay ka qeybgaleen dagaalada ka socda duleedka galbeed ee xarunta Jubada Hoose. Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalada, oo muddo sanado ah socda isla markaana salka ku haya dhul daaqsimeed iyo aanooyin qabiil. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaal beeleedka oo kasoo baxay dhanka maamulka Axmed Madoobe, kaas oo ku guuldareystay xalinta colaadda. Isku dhacyada beelaha ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay ka jirtay degaanada ka tirsan Jubaland, iyaddoo mas’uuliyiin ku baxay ay ku fashilmeen qaboojinta. View the full article Share this post Link to post Share on other sites