Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro ka tirsan Puntland oo xalay kormeeray bandowga habeenkii ee Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, oo ay weheliyaan maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, ayaa xalay kormeer ku sameeyay dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, si ay ugu kuur-galaan dhaqan-gelinta bandowgii ay soo rogtay dowladda Puntland.

Mas’uuliyiinta oo kormeerkaas kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu sidii la rabay u fulay bandowga ay xilliyada Habeenkii ah soo rogtay xukuumadda Puntland, si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo faahfaahin ka bixiyay kormeerka mas’uuliyiinta, ayaa sheegay in dadweynaha Boosaaso ay buuxda u dhaqan-geliyeen bandowgii xukuumaddu soo rogtay, islamarkaana aysan jirin cid khilaaftay awaamiirta dowladda.

Taliyaha ayaa xusay, in mudadii ay kormeerka ku jireen ay soo arkeen oo keliya ciidanka Amniga oo shaqadiisa gudanaya, kuwaas oo sugaya Amniga magaalada, balse aysan cid kale ku arag jidadka iyo waddooyinka.

Sidoo kale, dhammaan magaalooyinka kale ee Puntland ayuu xalay ka dhaqan-galay bandowga ay soo rogtay xukuumadda Puntland, kaas oo socon doona mudda laba todobaad ah, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada

7-1.jpg?w=1000&ssl=1 9.jpg?w=1000&ssl=1 8-1.jpg?w=1000&ssl=1 2-3.jpg?w=1000&ssl=1 6-1.jpg?w=1000&ssl=1 5-2.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiiro ka tirsan Puntland oo xalay kormeeray bandowga habeenkii ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this