Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo iska fogeeyey eedeyntii hay’adda Amnesty

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM ee Mareykanka ayuu ku sheegay in uu bixinayo faah faahino dheeraad ah oo la xiriira eedeymaha loo jeediyey ee ku aadan in dad shacab uu ku dilo duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dad shacab ah ku dilo duqeymihiisa.

Taliyaha AFRICOM, General Stehphen Towsend ayaa xusay in tan iyo markii loo soo magacaabay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ay qiimeyn iyo tixraac ku sameynayeen meelaha ay duqeymaha ka fuliyeen iyo khasaaraha shacabka ka soo gaaray.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in duqeymaha ay fuliyeen aysan inta badan khasaaro ka soo gaarin dadka rayidka ah, hadii taasi ay dhacdana uu Mareykanka ka jawaabi doono.

Si kastaba ha’ahaatee hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in bishii Febraayo ee sanadkan ay diiwaan-gelisay labo ka mid duqeymaha Mareykanka oo lagu dilay laba ruux oo shacab ahaa, halka duqeymahaasi ay dhaawacyo ka soo gaareen laba ruux oo kale oo rayid ah, kuwaas oo aan waxba galabsan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this