Deeq A. Posted April 1, 2020 War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay dowladda federaalka si weyn uga taageereyso ka hortagga iyo xakameynta cudurka dilaaga ah ee Coronavirus. QM ayaa war-saxaafadeedka sheegtay in Soomaaliya garab ay ku siineyso xakameynta cudurka COVID-19, hadii uu saameyn ku yeesho bulshada iyo dhaqaalaha dalka. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa xustay in ay muhiim tahay in wacyi galin ku aadan cudurka Coronavirus loo sameeyo dadka nugul, sida dadka barakacayaasha oo uu yar-yahay ka war qabkooda dhibaatada cudurka uu leeyahay iyo siyaabaha looga hartago. Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hay’adda u qaabilsan caafimaadka aduunka ee WHO ay si weyn uga caawinayaan dowladda Soomaaliya, kahortagga faafintaanka cudurka Coronavirus. Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada geeska Africa ee laga helay cudurka Coronavirus, waxaana dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caafimaadka ay iska kaashanayaan,sidii loo xakameyn lahaa cudurkaasi oo haatan fara ba’an ku haya dalal badan oo ku yaalla dunida. View the full article Share this post Link to post Share on other sites