Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Laba Qof Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay laba kiis oo cudurka Covid 19 oo laga shalay laga helay gudaha Somaliland.

Guddoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu shacabka reer Soomaalilaan si weyn ugu adkaynayaa kuna dardaarayaa in ay si buuxda ugu hoggaansamaan tilmaamaha, tallooyinka iyo awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortagga cudurka COVID-19.

Guddoomiye Cirro ayaa yidhi “Shacabka reer Soomaalilaan waxa aan si weyn ugu adkaynayaa kuna dardaarayaa in ay si buuxda ugu hoggaansamaan dhammaan tilmaamaha, talooyinka iyo awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortagga cudurka COVID-19, maadaama safmareenka cudurka koroona labadii xaaladood ee ugu horteeyey laga helay dalkeena Soomaalilaan.

Allow naga nabadgeli. Aamiin”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this