Deeq A. Posted April 1, 2020 Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku warramaya in diyaar-garowgii ugu dambeeyey doorashada guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka socoto gudaha magaaladaasi. Doorashada oo lagu wado inay maanta dhacdo ayaa waxaa xilka guddoomiyaha golaha wakiilada maamulkaasi ku tartamaya Xildhibaan Cali Siciid Fiqi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur, iyadoona loo saadaalinayo, Fiqi. Sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad u sharraxan Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed, halka Xildhibaan Shamso Maxamed Yarowa ay kaliya u taagan tahay qabashada xilka guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Yuusuf Barre Maxamed guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada ee maamulka degmada Baydhabo oo u warramaya Shabelle ayaa ka warbixiyey qaban-qaabada ka socda degmadaasi, wuxuuna sheegay in si aad ah loo adkeeyey amniga doorashada Shalay ayey aheyd markii musharrixiinta u taagan guddoonka baarlamaanka K/Galbeed laga dhageystay khudbado, kadib markii ay hortageen xildhibaanada maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites