Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney ka tirsaneyd maamulka gobolka Banaadir oo caawa lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in caawa lagu dilay haweeney ka tirsaneyd Ururka Haweenka gobolka Banaadir.

Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maryan Maxamuud Axmed, waxaana la sheegay in ay dileen rag bastoolado ku hubeysan, kuwaas oo ka toogtay qeybaha sare ee jirkeeda.

Kooxdii geysatay dilkaas ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana gaaray halka lagu dilay haweeneydaas, ciidamada booliska ee ka howlgala saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Illaa hadda ma jirto cid ay shaaciyeen ciidamada ammaanku oo loo soo qabtay dilka haweeneydaas ka tirsaneyd ururka haweenka gobolka Banaadir, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuum Maryan Maxamuud.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo markii ay doonaan ay ka fuliyaan dilal qorsheysan.

Isniintii shalay ayey aheyd markii suuqa weyn ee Bakaaraha ay ciidamada ammaanku ku toogteen laba ka tirsaneyd kooxaha Al-Shabaab dilalka uga fuliya magaalada Muqdisho, kadib markii is rasaaseyn kooban ay gudaha suuqa ku dhex martay, iyaga iyo askar ka tirsan booliska Soomaaliya oo ay mid ka dhaawaceen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this