Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ogaysiis: Somaliland Community Awards’ Ceremony‏

Recommended Posts

Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu dadwaynaha reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada London ogaysiinaya in ay qabsoomi doonto munaasibadii shahaadooyinka ee magaceedu ahaa Somaliland Community Education Award ee markaa ujeedadeedu ahayd dhiiri galinta iyo muujinta horumarka beesha reer Somaliland ee London.

 

Munaasibada waxa sanadkan inagalasoo qayba galli doona oo aynu shahaadooyin ku maamuusi doonaa shaqsiyaad ka mid ah rug cadaayaasha xagga fanka iyo suugaanta oo dhawaan inooga yimid Somaliland oo kala ah: Amina Cabdullahi, Ahmed Saleeban Bide iyo Boon Xirsi. Waxa kaloo shahaadooyin la siin doonaa dhalinta darajooyin sare ku gudubtay imtaxaanada GCSE iyo A-Levels iyo waliba dadka qaatay Degree jaamacadeed, iyo dad kale oo badan oo horumarka reer Somaliland ka shaqeeya.

 

Sanadkan waxa shahaadooyinka bixin doona marti sharaf badan oo kala ah: Mayor-ka Hillingdon councilor Mary O’Connor, xildhibaanka barlamanka ee xaafada Hayes & Harlington John McDonnell, xildhibaanka London ee barlamanka Europe Dr Charles Tannock, safiirka JSL ee UK mudane Aden Musse Jibril iyo la taliyaha madaxwaynaha JSL ee xagga arrimaha dibada iyo ictiraafa raadinta Dr Maxamed Rashiid Sheikh Xasan.

 

Madasha: Uxbridge College (Hayes Campus)

 

Ciwaanka: College Way, Coldharbour Lane, Hayes, UB3 3BB

 

Taariikh: Sabtida 13-ka November 2010

 

Saacada: Bilaabmaysa 5-ta galabnimo, dhamanaysa 9.30 fiidnimo

 

Wixi faahfaahin ah, fadlan kalasoo xidhiidh: 0208 848 1180 amma wlondonsomalilanders@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this