Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada K/Galbeed oo yeeshay kulan xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa dhageystay khubadaha musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha wakiilada maamulkaasi iyo sidoo kale  labadiisa ku xigeen.

Kulanka ayaa waxaa goob-goog ahaa illaa 95 Mudane oo ka tirsan baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanada cusub ayaa barnaamijkooda wax-qabad ka dhageystay illaa shan musharrax oo kala ahaa:

1-Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka
2-Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo doonaya xilka guddoomiyaha.

1-Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed oo u taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

2-Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u tartami doona xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

1-Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Maalinta beri ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka K/Galbeed, taas oo ay haatan socota qaban-qaabadeeda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this