Deeq A. Posted March 31, 2020 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa wacyi-galin ku aadan cudurka Coronavirus ka bilowday qeybo ka mid ah Soomaaliya. Saraakiil caafimaad oo ka tirsan UNHCR oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa booqday xeryo barakac oo ku yaalla gudaha magaaladaasi. Intii ay ku sugnaayeen xeryaha barakac ay booqdeen saraakiisha caafimaad ayaa dadka halkaasi ku nool waxa ka wacyi galiyeen khatarta cudurka COVID-19, sida uu ku faafi karo iyo waxyaabaha loo baahan-yahay, si cudurkaasi ay uga feejignaadaan. Nadaafadda oo si weyn loo ilaaliyo ayaa lagu wargaliyey dadka danta yarta ah ee xeryahaas ku nool inay tahay tallaabada koowaad ee cudurkaasi looga hortagi karo. Dadkii barakacayaasha ay booqdeen saraakiishaan ka tirsan QM ayaa uga mahad-celiyay booqashadooda iyo sida ay wax uga badaleen ka war-qabkooda Corona. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee uu soo gaaray cudurka COVID-19, sida ay horay u shaacisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, waxaana hay’adaha caafimaadka, kuwa samafalka iyo dowladda federaalka ay sameynayaan wacyi-gelin bulshada looga digayo khatarta iyo saameynta cudurkaasi uu geysan karo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites