Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaali Ah Oo Lagu Dhex Dilay Goob Ganacsi Uu Lahaa Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Cape Town)-Kooxo hubeysan oo Budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay waxaa ay Magaalada Cape Town ee dalkaas ku dileen Nin Soomaali kana kamid ahaa dadka ganacasig ku leh halkaas.

Nin la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaasiin Maxamed, waxaana dilka loo geystay uu ka dhacay goob ganacsi uu ku lahaa xaafad lagu magaacaabo Philipi oo hoostaga Magaalada Cape Town.

Dad Soomaali ah oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka Marxuumka uu dhacay xili Booliska dalkaas ay ku amreen inuu Dukaankiisa xidho uuna fulinayay amrka, maadama Bandow lagu soo rogay Koonfur Afrka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragii Budhcada ahaa ee dilay nikaa Somaliga ah ay dhac u geysteen goobta Ganacsi ee uu ku lahaa xaafada Philipi, waxaana halkaas tegay dad kale oo Soomaali ah, iyagoo ka qaaday Meydka Marxuumka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this