Deeq A. Posted March 30, 2020 Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa si adag loogaha hadlay weerarkii is-qarxinta ee xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Qoraalka ka soo baxay Jubbaland ayaa waxaa ugu horreyn lagu cambaareeyey weerarkaasi oo ay masuuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale Jubbaland ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid, gudoomiyihii Gobolka Nugaal marxuum Cabdisalaam Xasan Hirsi oo ku dhintay qarxaasi. Sidoo kale Jubbaland ayaa warkeeda ku sheegtay inay cafimaad deg-deg ah u rajeyneyso dadka kale ee ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi. Ugu dambeyn waxay ku baaqday in meel looga soo wada-jeesto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga adkaado. Share this post Link to post Share on other sites