Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qaraxii Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii gobolka Nugaal ee Puntland Cabdisalaan Xasan Xirsi Gujir ayaa u geeriyooday dhaawacii kasii gaaray qarax uu fuliyey qof naftiisa hallige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa kaasi oo caawa ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii geeriyooday.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya macagaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed gaadmo ismiidaamin ah dhaawac kasoo gaadhay hadda u geeriyoodey, Guddoomiyuhu waxa uu gudanaayey waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa, waxaana uu ku sugnaa xilligaasi Saldhigga Dhexe ee caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

“Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.”

Ruuxa is-miidaamiyey ayaa waxaa la sheegay in uu beegsaday gaariga uu lasocday guddoomiye Cabdirisaaq, xilli uu marayey afaafka hore ee saldhigga magaalada Garowe.

Wararka aan ka heleyno weerarkaas ayaa waxa ay intaas ku darayaan in taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal, Faarax Galangooli uu ku jiro mas’uuliyiintii la socotay gudoomiyaha ee ku dhaawacmay qaraxaas.

War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaa ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka caawa ka dhacay magaalada Garoowe.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ku beegsaday mas’uuliyiin katirsan maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland khasaara xooggan ayaana cadowga gaaray” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this