Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Caawa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1542010567618.jpg?w=1000&ssl=1Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir

Alle ha naxariistee, waxaa daqiiqado ka hor isbitaalka Garoowe ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo caawa dhaawac culus ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay afaafka hore ee saldhiga caasimadda Garoowe.

Geerida Guddoomiyaha, waxaa Puntland Post u xaqiijiyay dhaqaatiir ku sugan isbitaalka Garoowe iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, waxaana ay sheegeen in uu geeriyooday, kadib  qalliin lagu sameeyay.

Sidoo kale, waxaa weli isbitaalka lagu dabiibayaa Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame  (Galan-goolli) iyo qof shacab ah oo isna qaraxa ku dhaawacmay.

Qaraxaas oo dhacay fiidnimadii caawa, waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay malayshiyaadka  Al-shabaab, kadib qoraal ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta kooxdaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo qaraxa ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay in baaritaan lagu hayo cidda ku lug leh.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Caawa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this