Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii caawa fiidkii ka dhacay magaaladda Muqdisho.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageerada kooxda ayaa lagu sheegay in ay beegsadeen xubno sare.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo taliyihii hore ee booliska gobolkaas ayay sheegeen in ay dhaawacyo culus oo gaareen.

Cabdisalaan Xasan Xirsi [Gujir] iyo Faarax Galangooli ayaa lagu daaweynayaa isbitaalka guud ee magaala madaxda Puntland.

Askari kamid ahaa ilaaladooda ayaa lagu waramay in sidoo kale uu dhaawacyo kasoo gaarey falkaas.

Qaraxaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo mudo sanado ah kadib ka dhaca Garowe, oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga fiican dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this