Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sidee qaadkii ay joojisay DF weli lagu soo geliyaa Xamar, yaase iska kaashada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo dhowaan dowladda Soomaaliya ay joojisay qaadkii dalka iman jiray, dhowaanna Muqdisho ay ku gabtay qaad si sharci-darro ah dalka loo keenay, ayaa waxaa sii socda in Muqdisho lasoo geliyo qaad, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, xubno ka mid ah shaqaalaha garoonka Muqdisho ee qaadka qaabilsanaa iyo ganacsato ayaa iska kaashanaya qaad si Kontar-baan ah lagu keeno Muqdisho, kaasi oo si caadi ah loogu iibinayo suuqyada.

Qaadkaan ayaa doomo uga daga Xeebaha Jazeera, Ceel-Macaan iyo kuwa kale ee duleedka Muqdisho, waxaana lagu soo geliyaa suuqa gaadiid ay wataan ganacsato ay wehliyaan saraakiil sare iyo ciidamo.

Markii qaadka guryahooda loogu geeyo Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa inta kale lagu iibiyaa qiimo aad u sareeya suuqdyada Muqdisho.

Dhinacyadan iskaashanaya ayaa lacag aad u badna ka sameeya qaadkan sida sharci-darrada ah lagu keeno magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in marduufii qaadka oo horey magaalada uga joogay qiyaastii 20 dollar, uu hadda gaaray lacag u dhaxeysa 150 illaa 200 oo dollar, taasi oo ay awoodaan dad yar oo u badan mas’uuliyiin iyo ganacsato lacag haysta.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore ugu dhawaaqday in ay joojisay qaadka waxayna meel fagaara ah ku gubtay qaad si Kontara-baan ah dalka lagu soo geliyay.

Qaadka ayaa horey looga digay inuu sii faafin karo cudurka Caronavirus faafiya maadaama gacanta lagu soo jaro islamarkaana lagu soo raro, iyadoo ay Kenya qayb ka tahay dalalka uu cudurkaan ka jiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this